Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa lagu wadaa inay soo dhisto gole qaabilsan la tacaalidda cudurka Qaaxada.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaaday agaasimaha guud ee WHO Tedros Adhanom oo xusay in sanadkii 2021-kii xanuunka qaaxada uu ku dhacay dad gaaraya 10.6 milyan oo qof iyadoo guud ahaan caalamka ay cudurkan dunida ugu dhinteen 1.6 milyan oo ruux