Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya KNEC oo shaacisay xilliga la billaabi doono isku diiwangelinta imtixaannada qaran ee...

KNEC oo shaacisay xilliga la billaabi doono isku diiwangelinta imtixaannada qaran ee shahaadiga ee sanadkan

Madaxa fulinta ee golaha qaran ee imtixaannada (KNEC) Dr. David Njegere ayaa maanta shaaca ka qaaday in isku diiwaangelinta imtixaannada qaran shahaadiga ee KCPE iyo KCSE-da ee 2023-ka la billaabi doono 1-da bisha Labaad, iyagoona ardayda haysta ilaa 31-da bisha Saddexaad ee sanadkan.
Dr. David Njegere ayaa ka codsaday dhammaan ardayda u fadhisanaya sanadkan imtixaanaadka KCPE iyo KCSE in ay isku diiwaangeliyaan wakhtiga loogu talagalay.
Waxaa uu xusay in mararka qaar ay helaan warbixinno sheegaya in arday qaar aynan is diiwangelin toddobaad ka hor inta aanan loo fadhiisan imtixaannada shahaadiga.
Ardayda ayuu sheegay inay haystaan muddo laba bilood oo ay isku diwaangeli karaan imtixaanaadka shahaadiga ee dabayaaqada sanadkan loo fadhiisan doono.
Maamuulayaasha dugsiyada ayaa laga codsaday in ay hubiyaan in mudadaan ay ku soo gabagabeeyaan diiwaangalinta ardayda.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments