Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Wararkii ugu dambeeyay weerarkii Galcad iyo taliye ku xigeenka Danab oo dhintay

Wararkii ugu dambeeyay weerarkii Galcad iyo taliye ku xigeenka Danab oo dhintay

Khasaaro isugu jira dhimahso iyo dhaawac ayaa ka dhashay weerar gawaari laga soo buuxiyay wayaabaha qarxa loo adeegsaday iyo dagaal toos ah oo Al-Shabaab saaka ay ku qaadeen degmada Galcad ee Gobolka Galgaduud.
Goobjoogayaal ayaa ku warramaeen in ilaa labo Gaari oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa lagu weerarray Saldhigyada Ciidamada ee degmada Galcad, waxaaa halkaasi ka socda dagaal u dhexeya Ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka oo dhinac ah iyo Al-Shabaab.
Wararka aan helnay ayaa sheegaya in weerarka iyo dagaalka tooska uu ku dhintay Taliye ku xigeenka ciidamada Kumaandooska ee Danab, Gaashaanle Xasan Maxamad Cismaan (Xasan Tuure) oo ka mid ahaa Saraakiisha hoggaamineysay howlgallada.
Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa weli ka hadlin dagaalka, balse Al-Shabaab ayaa ku sheegtay warar ay ku qoreen Baraha ay ku leeyihiin Intarneetka inay weerarka kula wareegeen degmada Galcad ee Gobolka Galgaduud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments