Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Marwada koowaad ee Maraykanka oo Kenya booqasho ku imaaneysa

Marwada koowaad ee Maraykanka oo Kenya booqasho ku imaaneysa

Waxaa la filayaa in marwada koowaad ee dalka Maraykanka Dr. Jill Biden ay booqasho Kenya ku timaado bisha Labaad ee sanadkan.
Arrintan ayaa waxaa shaaca ka qaaday wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo qurba joogta ee Kenya Dr. Alfred Mutua.
Mr.Mutua ayaa hadalkan ku dhawaaqay isaga oo ka jawaabayay su’aal ah in Kenya ay marti galineyso marti sharaf magac weyn leh.
Waxaa uu intaasi ku daray in Kenya ay sidoo kale imaan doonaan marti sharaf badan bilaha soo socda.
Wasiirka ayaa xusay in Kenya ay meel soo jiidasho leh u tahay madaxda ajnabiga ah taas oo ay ugu wacan tahay mowqifkeeda dimuqraadiga ah ee bixiya jawi ixtiraamaya xuquuqda aadanaha iyo xurriyaada aasaasiga ah.
Alfred Mutua ayaa carrabka ku dhuftay in dalalka caalamka ay Kenya ku ixtiraamaan sida ay uga qayb qaadatay nabadda iyo xasiloonida gobolka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments