Militeriga dalka Soomaaliya ayaa sheegay in weerarkii saaka lagu qaaday saldhig ciidamada ay ku lahaayeen Xawaadley ee gobolka Shabeellaha Dhexe lagu dilay 21 ka tirsan dagaalyahanada Al-Shabaab, sida ay ku warrantay warbaahinta dowladda.
Wakaaladda wararka ee Soomaaliya ee Sonna oo soo xiganeyso taliyaha militeriga ayaa sheegay in 5 askari ay kaga dhinteen weerarka.
Sidoo kale ciidanka dowladda ayaa Al-Shabaab kala wareegay deegaanka Ceeldheer ee hoostaga gobolka Galgaduud.