DHAGEYSO:Dowladda Soomaaliya oo shaacisay inay la wareegtay degmooyinka Xarardheere iyo Galcad

0
399

Wasiirka gaashaandhigga ee dowladda Soomaaliya Cabduqaadir Maxamad Nuur (Jakaarta) ayaa xaqiijiyay in maanta kooxda Al-Shabaab lagala wareegay degmooyinka Galcad iyo Xarardheere oo ka kala tirsan gobollada Mudug iyo Galgaduud.

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa hadda baaritaan ka wada xaafadaha degmooyinkaasi, halkaas oo muddo sanado ah ay maamulayeen ururka Al-Shabaab.
Ciidamo aad u farabadan oo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ayaa ku sii qulqulaya degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, kuwaas oo doonaya inay isku fidiyaan deegaannada kale ee gobolka Mudug.