Maxkamadda Ciidamada ee dalka Soomaaliya ayaa dil toogasho ah ku xukuntay askari lagu magacaabo Qaasim Ducaale Cabdi oo ka tirsanaa ciidanka ilaallada deegaanka Xamar oo maalinkii Talaadadii la soo dhaafay nin rayid ah ku dilay degmada Xamar Weyne ee magaalada Muqdisho.
Waxaa ay maxkamadda ku heshay Qaasim inuu si bareer ah u dilay muwaadin lagu magacaabi jiray Abuubakar Maxamad Nuuraani oo mehrad yar ku haystay suuqa Xamar Weyne.
Dad goobjoog ahaa ayaa sheegay in marxuumka loo dilay shan kun oo shilin Soomaali ah oo canshuur ahaan looga rabay.
Arrintan ayaa dhalisay caro ballaaran oo dadka deegaanku ku dalbanayeen in cadaaladda la mariyo askariga sida bareerka ah u dilay Abuubakar Nuurani, waxaana ugu dambeyn maanta maxkamadda ciidamadu xukun dil ah ku ridday askarigii dilkaasi gaystay Talaadadii la soo dhaafay.