Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Madaxweynaha Hirshabeelle oo ka hadlay qaraxyadii Jalalaqsi iyo Buulo-burte

Madaxweynaha Hirshabeelle oo ka hadlay qaraxyadii Jalalaqsi iyo Buulo-burte

Madaxweynaha maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa ka hadlay qaraxyo Ismiidaamin ah oo shalay ka kala dhacay degmooyinka Jalalaqsi iyo Buulo-burte oo ka tirsan Gobolka Hiiraan.
Qaraxyada ayaa loo adeegsaday gaadiid laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa.
Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa tacsi u diray qoysaska iyo qaraabada ay ka baxeen Alle ha u naxariistee dadkii ku nafwaayay qaraxyadii ay Al-Shabaab ka gaysteen degmooyinka Jalalaqsi iyo Buulo-burte.
Waxaa uu sheegay in weerarradii qaraxyada ahaa ee Al-Shabaab gaysteen ay ku dhinteen dad shacab ah.
Cali Guudlaawe ayaa Alle uga baryay dadkii ku shahiiday qaraxyadaasi in uu hooygooda ka yeelo Jannatul Firdowsa, inta dhaawacana uu Eebbe caafimaad degdeg ah siiyo.
In ka badan 10 qof ayaa ku dhintay qaraxyadii ka dhacay Jalalaqsi iyo Buulo-burte, halka dad ku dhow 30 qof kalena ay ku dhaawacmeen qaraxyadaasi.
Waxaa dadka qaba dhaawacyada culus loo qaaday dhanka magaalada Muqdisho, si loogu daweeyo.
Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada qaraxyadii ka dhacay degmooyinka Jalalaqsi iyo Buulo-burte, dhowr jeer oo horay ayay sidaan oo kale qaraxyo xooggan uga dhaceen degmooyinkaasi, kuwaasi oo gaystay khasaaro isugu jiro dhimasho, dhaawac iyo hanti.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments