Ingiriiska oo qalab ciidan ku taageeraya Ukraine

0
280

Ra’iisul wasaaraha Ingiriiska Rishi Sunak ayaa ballan qaaday in boqortooyada Britain ay agab ciidan ku caawin doonto dowladda Ukraine.
Waxaa xukuumadda Kyiv lagu wareejinaya taangiyada dagaalka iyo nidaamyo kale oo casri ah.
Sunak ayaa wacad ku maray inay Ukraine gaarsiin doonaan 14 taangiyada dagaalka ah.
Tani ayaa timid ka dib codsi shalay ka yimid madaxweynaha Ukraine ,Volodymyr Zelenskyy.
Ingiriiska ayaa noqonaya wadankii ugu horreeyay ee reer galbeedka ee hub culus ku taageero dowladda Ukraine si ay iskaga difaacdo weerarrada Ruushka.