Ciidamada Myanmar oo dilay 9 qof

0
622

Saraakiisha ammaanka ee dalka Myanmar ayaa lagu soo warramayaa in ay maanta toogasho ku dileen 9 qof oo dibadbaxyo ka qayb qaatay.
Shacabka mudaaharaadka dhigaya ayaa weli muujinaya sida ay kaga soo horjeedaan afgembigii militari ee wadankaas ka dhacay 1-dii bishii hore.
Tani ayaa imaanaysa iyada oo dowladda Indonesia ay ku baaqday in la soo afjaro rabshadaha ka taagan Myanmar oo dib loo soo celiyo nidaamkii dimuqraadiga.
Sida laga soo xigtay urur u ololeeya caawinta maxaabiista siyaasadeed , ugu yaraan 233 qof ayaa lagu dilay iskudhacyada toddobaadyadii ugu dambeeyay ka jiray wadanka Myanmar.