DHAGEYSO:Labo qof oo lagu dhaawacay weerar ay burcad ka gaysatay ismaamulka Samburu

0
235

Wararka naga soo gaaraya ismaamulka Samburu ayaa sheegaya in burcadda xoolaha ay labo qof dhaawac u gaysteen, xilli xaaladooda haatan lala tacaalayo.
Burcadda ayaa weerarka ka gaysatay deegaanka hoose Baragoi ee waqooyiga dowlad deegaanka Samburu.
Waxaa ay burcadda rasaas ku fureen dad xoolo dhaqata ahaa.
Dadka deegaanka ayaa dowladda ka codsaday in xal ka dambeys ah ay u howsho falalka amni darro ee laga soo tabiyo qaybo ka mid ah ismaamulka Samburu.
Waxaa ay sidoo kale dowladda ugu baaqeen inay xaqiijiso badqabka ardayda xilli toddoabad ka dib dugsiyada dib loo furayo.