DCI-da oo soo badhigtay magacyada afar qof oo lala xiriirinaya weerarradii dhawaan ka dhacay Lamu

0
547

Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa shacabka u soo bandhigtay magacyada iyo sawirrada afar eedeysane oo la baadigoobaya, islamarkaana la rumeysan yahay in ay weerarro dhawaan ka gaysteen ismaamulka Lamu.
Bayaan ay waaxda DCI-da maanta soo saartay ayaa ku sheegtay in tuhmanayaashan lala xiriirinaya inay xiriir la leeyihiin kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta dalka Soomaaliya, ayna mas’uul ka yihiin weerarradii dhawaan ka dhacay dowlad deegaanka Lamu ee gobolka Xeebta ee wadanka.
DCI-da ayaa tuhmanayaasha magacyadooda ku kala sheegtay Cabdullaahi Banati, Macallin Ayman, Cabdiqaadir Maxamad Cabdiqaadir iyo Ramadhan Kioko.
Waxaa ay intaasi ku dartay in afarta qof ee lagu raadjooga ay hubeysan yihiin islamarkaana ay halis ku yihiin bulshada.
Shakhsiyaadkan ayaa sidoo kale lala xiriirinaya weerarro aragagixisinimo oo horraan dalka ka dhacay.
Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa xubnaha bulshada ku wargelisay in cidii aragto tuhmanayaasha lagu raadjooga ay soo wacaan nambarka ah 0800 722 203.