Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Puntland oo sheegtay in ay dishay sarkaal sare oo ka tirsan Daacish

Puntland oo sheegtay in ay dishay sarkaal sare oo ka tirsan Daacish

Warar lagu baahiyay baraha bulshada ee warbaahinta dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidamada ammaanka ee maamulka Puntland ay dileen madixii howlgallada kooxda Daacish ee deegaannada gobolka bari, oo lagu magacaabi jiray Abuu-Albara Al Amani.
Ninkan ayaa sida ay sheegeen booliiska Puntland, waxaa lagu dilay dagaal dhexmaray ciidamada amniga iyo Al-Shabaab shalay.
Marka laga soo tago sheegashada Puntland ee dilka ninkan, ma jirto cid si madax bannaan u xaqiijineysa warkan.
Warka qoraalka ah ee lagu baahiyay baraha bulshada ee warbaahinta dowladda ayaa sidoo kale waxaa la socda sawir lagu sheegay inuu yahay Abuu-Albara Al Amani.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments