Wasaaradda caafimaadka ee Soomaaliya oo digniin soo saartay

0
378

Wasaaradda Caafimaadka iyo dareyeelka Bulshada ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay heshay Digniino Caalami ah oo ku aaddan waxyeellada laba dawo oo sharooba ah kuwaas oo loo isticmaalo daweynta xanuunnada ku dhaca Neefmareenka.
Daawooyinkan ayaa magacyadooda lagu kala sheegay :AMBRONAL SYRUP Iyo DOK-1 Max Syrup, waxaana soo saara shirkadda MARION BIOTECH PVT. LTD oo laga leeyahay Dalka India.
Warkan oo ay wasaaraddu soo dhigtay barteeda Facebook-ga ayaa waxay ku sheegaty inaysan xaqiijin karin in ay dalka yaaallan iyo in kale.
Dhakhaatiirta ayaa loogu baaqay in bukaannada loo qorin dawooyinkan.