Magaalada caasimadda ee Muqdisho, waxaa berri oo Khamiis ah ka dhacaya bannaanbax ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ee dagaalka dalka looga xoreynayo uu socda.
Dibadbaxan oo loogu magac daray “DAAHFURKA KACDOONKA MUQDISHO” waxaa ka qayb galaya madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha, guddoonka labada aqal ee baarlamaanka, wasiirrada, xildhibaannada, maamulka gobolka iyo kuwa degmooyinka iyo shacabka ku nool magaalada Muqdisho.
Sida qorshuhu yahay, dibadbaxa oo lagu qabanayo garoonka dusha ka furan ee Koonis Stadium ee degmada Cabadulcasiis waxaa ka qayb galayo dad lagu qiyaasay inay kor u dhaafayaan 20,000 oo qof, kuwaasoo loo diyaariyay boorar ay ku xardhan yihiin erayo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.
Wasiirrada xukuumadda ayaa la faray inay dibadbaxa keenaan dhammaan Agaasimayaasha guud, Agaasime waaxeedyada, guud ahaan howlwadeenada shaqaalaha wasaaradda iyo hay’adaha hoostaga, iyadoo guddoomiyayaasha 17-ka degmo iyaguna lagu amray inay shacabka degmooyinkooda isu soo uruuriyaan.
Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu la hadlo dadka isu soo baxaya, isagoo ku dhawaaqi doono howlgal ballaaran oo ka dhan ah Shabaab, kaas oo ka billaabanaya magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Arrintan ayaa salka ku hayso xogo ay heleen hay’adaha amniga ee dowladda oo la xiriirta in Shabaabka ka soo firxanaya gobollada dalka ay si dhuumaaleysi ah ku soo galeen magaalada, loona baahan yahay in lala yimaado qorshe lagu sifeynayo.
Home Wararka Soomaaliya Dowladda Soomaaliya oo Muqdisho kaga dhawaaqday bannaanbax ka dhan ah Al-Shabaab