Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya 𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 w𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗲 𝗼𝗼 𝗹𝗮 𝗸𝘂𝗹𝗺𝗮𝘆 𝗱𝗵𝗶𝗴𝗴𝗶𝗶𝘀𝗮 𝗱𝗮𝗹𝗸𝗮 𝗠𝗮𝘀𝗮𝗿

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 w𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗲 𝗼𝗼 𝗹𝗮 𝗸𝘂𝗹𝗺𝗮𝘆 𝗱𝗵𝗶𝗴𝗴𝗶𝗶𝘀𝗮 𝗱𝗮𝗹𝗸𝗮 𝗠𝗮𝘀𝗮𝗿

Qoraal ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sidatan u qornaa:
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre oo ku guda jira booqashadiisa rasmiga ah ee dalka Masar ayaa kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, Mudane Mostafa Madbouly.
Labada Ra’iisul Wasaare ayaa ka wada hadlay kor u qaadista xiriirka iyo xoojinta iskaashiga dhaqan dhaqaale ee u dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah Soomaaliya iyo Masar, iyada oo Masar ballanqaadeyso inay Soomaaliya ku garab istaagto dib u dhiska iyo horumarka Soomaaliya.
Kulanka kadib ayaa labada dowladood ee Soomaaliya iyo Masar waxay si rasmi ah u kala saxiixdeen heshiisyo ku saabsan waxbarashada, warfaafinta, diinta iyo awqaafta iyo dhaqanka.
Heshiisyada waxaa dhinaca Soomaaliya u saxiixay Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, Abshir Cumar Huruse, Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Faarax Sheekh Cabdulqaadir iyo Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Daud Aweys Jaamac.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments