Deni oo ku dhawaaqay hadal shaki geliyay siyaasiyiinta Puntland

0
311

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in madaxdii maamulkaasi ee isaga ka horreysay ay ku darsan jireen wakhtiga xilhayntooda, taasoo uu sheegay in aysan wax dhib ah lahayn.
Bilihii la soo dhaafay ayaa Siyaasyiin ka soo jeeda deegaannada Puntland ay qabeen tuhunka ku aadan in madaxweyne Deni uu qorsheynayo inuu sameysto muddo kororsi, taasoo siyaasiyiinta ka soo horjeeda ay ka digeen, iyagoona sheegay inay horseedi karto qalalaase siyaasadeed.
“Cabsida dadka la galinayo, waa shaki laga galinayo inay golayaashooda deegaanka doortaan, waxaa la leeyahay madaxweynuhu doorasho uma socdee, ku darsi buu u socdaa, doorashadan maan iska daayo dhibkeeda oo taas aado, Aniga ma ahan madaxdii hore oo dhan waa ku darsan jirtay, dhibna malahayn,”ayuu yiri Deni.
Inkastoo Deni uu hadalkan yiri, haddana wuxuu sii raaciyay in waxa meesha yaalla aanay ahayn ku darsi, balse ay tahay sidii loo dhisi lahaa golayaasha deegaanka Puntland.