Guddoomiyihii hore ee degmada Wadajir, Axmad Xasan Caddow (Axmad Daaci) ayaa sheegay inay Al-Shabaab saddex jiho ka soo weerareen tuulada Hilowle Gaab ee gobolka Shabeellada Dhexe.
Axmad Daaci oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay inay jiraan dhimashada askar iyo saraakiil ciidan, balse uu sheegay in ciidamadu iska difaaceen weerarka kooxdaasi, islamarkaana ay jab xooggan u gaysteen.
Waxaa uu sheegay in Shabaabku ay ku jiraan howdka aan ka fogayn deegaanka Hilowle Gaab, inkastoo uu sheegay Shabaabka soo weerarray deegaanka inay ka yimaadaan meelo fogfog.
Mar la waydiiyay inay jirto xog laga hayay weerarka Al-Shabaab, wuxuu Axmad Daaci sheegay inay dhici kartay in la hayay xogtaas Balse wuxuu tilmaamay in ay Shabaab ay ku jiraan howd ay adag tahay in laga hortago.
Waxaa uu tilmaamay inay ciidamadu dadaaleen oo iska caabiyeen weerarka lagu soo qaaday, haatan uu sheegay in ay ciidamadu iyagu ku sugan yihiin deegaanka islamarkaana ay sii baacsanayaan firxadka Al-Shabaab.
Si kastaba ha ahaatee, ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay weerarka Al-Shabaab ku soo qaadeen deegaanka Hilowle Gaab.
Deegaankan ayaa ka mid ahaa meelihii dhawaan laga xoreeyay kooxdan, ka dib muddo dhowr iyo toban sano oo ay ka talinayeen.
Home Wararka Soomaaliya Axmad Daaci: Shabaab saddex jiho ayay ka soo weerareen Hilowle Gaab, waana...