Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Muwaadin Maraykan oo lagu soo oogay dacwad ah inuu nin Soomaali Kenyaan...

Muwaadin Maraykan oo lagu soo oogay dacwad ah inuu nin Soomaali Kenyaan ah ka dhacay 3 milyan oo shilin

Muwaadin Maraykan ah ayaa lagu soo oogay dacwad ah inuu nin Kenyaan ah islamarkaana asalkiisu yahay Soomaali uu qaab khiyaano ah uga dhacay lacag dhan 3 milyan oo shilinka dalka ah.
Waxaa uu inta uusan lacagta ka dhicin u soo bandhigay ganacsi aan waxbo ka jirin.
Eedeysanaha oo lagu magacaaba Von Houten Cornelious Dixonwas, oo ka soo hormuuqday maxkamad ku taalla magaala madaxda wadanka ee Nairobi ayaa iska fogeeyay eedeymaha loo soo jeediyay.
Eedeysanaha ayaa lagu siidaayay 500,000 oo dammaanad ah iyo ama damiin lacageed oo dhan 200,000 iyo shakhsi wakiil ka noqonaya.
Xeer ilaalinta ayaa dhanka kale laga soo xigtay in eedeysanaha uu sheegay inuu haya marqaati ka hor caddeynaya in dambi lagu soo oogay uu been yahay.
Falkan dhaca ayaa la gaystay intii u dhexeysay 9-kii ilaa 30-kii bishii 12-aad ee sanadkii 2021-kii

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments