Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Ciidamada Somaliland oo magaalada Laascaanood dagaal looga saaray

Ciidamada Somaliland oo magaalada Laascaanood dagaal looga saaray

Ka dib dagaal xoogganaa oo xalay uu dhexmaray Ciidamada Somaliland iyo xooggaga deegaanka ee Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa magaaladaasi laga saaray Ciidamada Somaliland.
Ciidamada Somaliland ee muddada dheer Maamulayay Magaalada Laascaanood ayaa isaga baxay, kuwaas oo ku sugan duleedka Magaalada, iyaga oo doonaya inay si awood ah dib ugu soo laabtaan magaaladaasi.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in dagaalÄ·ii xalay ay ku dhinteen in ka badan Saddex Ruux tiro kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo ahaa labada dhinac ee dagaalamay.
Wararkii ugu dambeeyay ee saaka naga soo gaaraya Magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in xaalad deeganaan ah oo aan caga badan ku taagneyn ay ka jirto, iyada oo Goobaha Ganacsiga Magaalada ay weli xiran yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments