Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Madaxweynaha Hirshabeelle oo ka hadlay qaraxyadii ay Al-Shabaab maanta ka gaysatay degmada...

Madaxweynaha Hirshabeelle oo ka hadlay qaraxyadii ay Al-Shabaab maanta ka gaysatay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan

Qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweynaha maamulka Hirshabeelle ayaa sidatan u qornaa:
Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo ku hadlaya Afka Goleyaasha Dowladda iyo Shacabka Hirshabeelle ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska iyo qaraabada ay ka baxeen Allaha u naxariistee dadkii maanta ku shahiiday qaraxii ay argagixisada cadowga ah ka geeysteen Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Khawaarijtu ay cadow ku yihiin nolosha iyo jiritaanka umadda Soomaaliyeed, Isagoo xusay in Khawaarijtu ay ku jabeen dagaaladii lala galay ee looga xureeyay deegaanada iyo degmooyinka Hirshabeelle.
Madaxweynaha ayaa markale ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in si wadajir ah ay uga qeybgalaan howlgallada dalka looga tirtirayo Khawaarijta alshabaab ee u taagan xasuuqa shacabka iyo beegsiga haldoorka dadkeenna.
“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun.
Khawaarijtu waa u dhqan in qaraxyo ay ku weeraraan goobaha ay isugu yimaadaan shacabka, marna kana ka niyad jabi doonno ciribtirka khawaarijta”
Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa Alle uga baryay dhamaan dadkii ku shahiiday qaraxii saaka ee degmada Maxaas in uu hoygooda ka yeelo Jannatul Firdowsa, Inta dhaawacyadu ka soo gaareenna uu Eebbe u boogo dhayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments