Barakac ka billowday magaalada Laascaanood

0
435

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa sheegaya in Maanta halkaasi uu ka socdo barakac xooggan oo ay sameynayaan Bulshada Magaaladaasi.
Dadka oo ka cabsi qaba inay Magaalada ku dagaalamaan Ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland sidoo kalena ay saameeyaan bannaanbaxyada rabshadaha wata ayaa u barakacay dhinacyada Bariga iyo howdka Magaalada.
Dhanka kale dhammaan waddooyinla soo gala iyo kuwa looga baxo Magaalada Laascaanood ayaa waxaa ku sugan Ciidamo aad u farabadan oo ka tirsan Milateriga Somaliland, kuwaas oo dadka qaxaya u diidaya inay Magaalada ka baxaan.
Maamulka Somaliland ayaa jaray Khadka Intarneetka ee Magaalada Laascaanood, halka meelaha qaar Korontadii laga demiyay, iyada oo dadka ay ku adag tahay inay bannaanka u soo baxaan.
Maalintii Sagaalaad oo xiriir ah ayaa xaalad kacsanaan ah ay ka jirta Magaalada Laascaanood, waxaana intii bannaanbaxyada ay socdeen dhimasho iyo dhaawac ku noqday dad Shacab ah.