DHAGEYSO:Guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland oo sharraxay sababta ka dambeysa xaaladda ka taagan Laasacaanood

0
196

Guddoomiyaha golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sheegay in xaaladda ka taagan magaalada Laasacaanood ay ka dhalatay dayac dhanka xukuumadda Somaliland ah, maadaama sida uu sheegay in muddo ah halkaa dilal loogu gaysanayay dad ahaa waxgalka bulshada oo aan wax laga qaban.
Waxaa uu ku eedeyay xukuumadda Somaliland in ciidamo u adeegsatay dadka shacabka ah oo dhigay dibadbaxyo ay ku muujinayeen sida ay uga xun yihiin dilalalka joogtada noqday.
Guddoomiyaha ayaa intaasi ku daray in caburin iyo xoog aan xalku ku jirin, balse loo baahan yahay in dowladda ay la timaado qorshe ay wax kaga qabanayso dhibaatooyinkii keenay in ay dadku kacaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here