Ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga jamhuuriyadda Somaliland ayaa Maanta si xoog ah kula wareegay Xarunta Shirkadda Isgaarsiinta Telesom ku leedhahay magaalada Laascaanood, halkaas oo muddo toddobaad ah ay ka socdaan bannaanbaxyo rabshado wata.
Wararka la helay ayaa sheegaya in Saraakiisha Ciidamada ay ku amreen in la jaro Isgaarsiinta magaalada Laascaanood iyo deegaannada hoostaga, waxaana Sawirro laga soo qaaday lagu arkayay ciidamada oo ku hareereysan Xarunta Shirkadda, qaarkoodna ay gudaha u galeen.
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay ku warrameen in sababta loo weerarray Xarunta Shirkadda Isgaariinta Telesom ay tahay in Intarneetka magaalada Laascaanood la jaro si aan loo ogaan dhibaatada ay Shacabka u gaysanayaan ciidamada Somaliland.
Shacabka dibadbaxa dhigaya ayaa dalbanaya in ciidanka Somaliland ay ka baxaan dhulkooda gobalka Sool, xilli Isimadda gobalka ay ku dhawaaqeen in maamulkaasi uga baxo dhulkooda.
Home Wararka Soomaaliya Somaliland oo amartay in adeegga intarneetka laga jaro magaalada Laascaanood