Militariga dalka Lebanon oo u warramay wakaaladda wararka ee AFP ayaa sheegay in labo qof ay dhinteen ka dib markii doon sidday dad soo galooti ah ay ku degtay xeebta Lubnaan.
Waxaa halkaasi laga soo samatabixiyay 200 qof oo kale.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dadka doonta saarnaa oo isugu jiray rag, haween iyo carruur ay badankoodu yihiin qaxootiga Syria.
50 ka mid ah ayaa u dhashay Lubnaan.
Hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR ayaa laga soo xogtay in intii u dhexeysay bishii koowaad ilaa bishii 11-aad ee sanadkii 2021-kii ugu yaraan 1,570 qof oo 186 ka mid ah ay u dhasheen Lebanon inay galeen safarro dhanka badda ah oo ay uga gudbayaan dalkaasi.