Ciidamada booliiska ee dalka Uganda ayaa sheegay in ugu yaraan 9 qof ay ku dhinteen isbuurasho dadweyne oo laga soo tabiyay mid ka mid ah dukaamada waawayn ee laga adeegto.
Dhibaatadan ayaa ka dhacday caasimadda Uganda ee Kampala xilli loo dabbaal degayay sanadka cusub.
Waxaa isla goobta ku dhintay 5 qof halka dhowr kalena ay dhaawacmeen.
Saraakiisha gurmadka ayaa durbaba goobta tagay waxayna isbitaallada u qaadeen dhaawaca halkaasi oo ay afar qof oo dheeraad ah ku nafwaayeen.
Ku xigeenka afhayeenka booliiska Kampala Luke Owoyesigyire ayaa sheegay in carruur ay ka mid yihiin dadka ay waxyeelladu ka soo gaartay isbuurashada saameysay xarunta dukaameysiga ee Freedom City Mall.
Hasa ahaate faahfaahin dheeraad ah kama uunan bixin da’da carruurta.
Dhibaatadan ayuu u aaneeyay dagdagsiino iyo dayacaad mas’uuliyadeed.
Waa markii ugu horreysay muddo saddex sano gudahooda ah oo Uganda looga dabbaal dego sanadka cusub maadaama ay horay u jireen xayiraadaha cudurka COVID-19.