DHAGEYSO:Soomaaliya oo Maalinkii Sadexaad dadka laga talaalayo Cuudrka Covid 19

0
622

Wasaaarada Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada dowlada Fedraalka Soomaaliya ayaa maalintii Sadexaad wada Bixinta adeega Tallaalka ka hortaga COVID-19 . Inta badan Tallaalka ayaa shalay si caadi ah uga wada bilaawday isbitaaladda Magaalada Muqdisho gaar ahaan Banaadir Hospital iyo Demartino sidoo kale isbitaalka Sumit ayaa bixinaya Talaalka Cudurka ka dhanka ah
Wasaarka Wasaarada Caafimaadka dowlada fedraalka Soomaaliya Fowzia Abiikar Nuur ayaa qaadashada Tallaalka COVID-19 ee dalka Soomaaliya ku tilmaamday arin aad muhiimada u leh waxaana shalay talaaka qaatay agaasimaha isbitaalka Demartini iyo agaasimaha qaybta adeega Caafimaadka ee Wasaraadda Caafimaadka iyo shaqaalaha safka hore ee kaga jira la tacaalida Cudurka COVD-19.
Wasaraadda Caafimaadka waxaay Bulshada Soomaaliyeed ku dhiiragalinaysaa inay ka hortagaan Caabuqa ayna qataan Tallaalka COVID-19 si loo yareeyo qatarta Cudurka safmarka ah iyo inaysan Bulshaddu isku gudbino.
Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Fozia Abiikar Nuur oo ka mid ahayd dadkii ugu horeeya ee Talaalka Qaatay ayaa bulshada ugu baaqday inuusan Talaalku wax dhib ah lahayn ayna qaataan dadka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ay dowladu u qorshaysay.

Wasaarada Caafimaadka Soomaaliya ayaana soo bandhigtay qorshaha loogu tala galay in talaalka lagu gaarsiiyo dhamaan 17 degmo ee gobolka Banaadir uu ka kooban yahay.