Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Madaxa fulinta ee xarunta KICC oo la magacaabay

Madaxa fulinta ee xarunta KICC oo la magacaabay

Waxaa xilka madaxa fulinta ee xarunta shirarka caalamiga ee KICC oo ku taalla magaalada Nairobi si ku meel gaar ah loogu magacaabay Patricia Ondeng.
Waxay beddeshay Nana Gecaga oo sanadkii 2016-kii uu wasiirkii hore ee wasaaradda dalxiiska dalka Najiib Balala u magacaabay ku simaha agaasimaha guud ee KICC.
Ondeng ayaa inta aan xilkan cusub loo dhiibin waxay ahayd maamulaha isgaarsiinta iyo suuqgeynta sanduuqa dalxiiska ee Tourism Fund.
Waxaa Patricia Ondeng magacaabiddan ugu hambalyeeyay ururka dalka ee qaabilsan xiriirka bulshada ee PRSK.
Ururkan ayaa bayaan ku sheegay in haweeneydan ay u qalanto xilka loo dhiibay marka la eego waxqabadkeeda shaqo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments