Shir Doorashada Soomaaliya looga hadlayo oo Muqdosho ka Furmay

0
605

Sida ay baahisay warbaahinta Gudaha Soomaaliya Wajigii 2aad ee Shirkii Wadatashiga Doorashooyinka Soomaaliya ee heer Wasiiro ayaa maanta ka furmay Hotelka Decala ee ku yaala Madaarka Diyaaradaha Aadan cadde ee Magaalada Muqdisho.
Wajigii 1aad ee Shirkaan ayaa horay uga dhacay Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Baay ahana Caasimada KMG ee Maamulka Koonfur Galbeed, iyadoona Shirkaasi lagu gaaray go’aamo Masiiri ah oo ku aadan arimaha doorashada iyo sii dhaqaajinta dalka.
Shirkan ayaa wuxuu hordhac u yahay Shirka Madaxda dowlada dhexe ee Federaalka, Maamul Goboleedyadda iyo Gobalka Banaadir oo la filayo in dhowaan uu ka furmo Magaalada Muqdisho.
Shirkaan ayaa waxaa hoggaaminaysa beesha Caalamka ka dib markii dhinacyada Soomaalidu isku fahmiwaayeen go’aamada shirka gaar ahaan goobta ugu horyantiiba uu ka furmayo.
Dhanka kale Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo ka mid ahaa Guddigii farsamada Magaalada Baydhabo ee ka socday maamulka Puntland ayaa beeniyay inuu shir ay qayb ka yihiin ka furmay magaalada Muqdisho.
Warbaahinta dowladd ayaa goordhow shaaciay in Muqdisho uu ka furmay horudhac u ah Shirka dowladda iyo maamulada qaar, kaasoo aan horay loo shaacin.