Maxkamadda sare oo ayiday in gudniinka fircooniga aan laga ogolayn Kenya

0
730

Maxkamadda sare ee dalka ayaa dhinac iskaga dhigtay dacwad loo gudbiyay oo lagu doonayay in ay meesha kaga saarto xeerka qeexaya in Kenya aan laga ogolayn gudniinka gabdhaha nooca fircooniga ee loo yaqaano FGM-ka.
Waxaa go’aankan soo saaray garsoorayaasha kala ah Lydia Achode ,Margaret Muigai iyo Kanyi Kimondo.
Xaakiinada ayaa isku raacay in dhaqankan uu xadgudub ku yahay xuquuqda dumarka sidoo kalena wax u dhimaya caafimaadka iyo sharaftooda.
Garsoorayaasha ayaa sheegay in mararka qaar ay dhimasho ka dhalato gudniinka fircooniga.
Sanadkii 2017-kii ayay ahayd markii FGM laga mamnuucay gudaha wadanka.