Ciidamada booliiska ee ismaamulka Isiolo ayaa raadinaya dad ku eedeysan ka ganacsiga daroogada nooca xashiishka iyo inay wadanka soo geliyaan tahriibayaal ka soo jeedo Itoobiya.
Booliiska ayaa laga soo xigtay in eedeysanayaal ay baxsadeen ka dib markii ay rasaas ku fureen ciidamada halkaasi oo hal askari uu ku dhaawacmay.
Saraakiisha amaanka ayaa ku guulaystay inay gacanta ku dhigaan baabuur lagu gudbinayay daroogada iyo mooto ay tuhmanayaasha adeegsanayeen.
Taliyaha booliiska ee ismaamulka Isiolo Xasan Barua ayaa arrintan warbaahinta faahfaahin ka siiyay.