Aqalka sare ee dalka oo berri yeelan doono kal-fadhi gaar ah

0
235

Xubnaha aqalka sare ee dalka ayaa berri oo Jimco ah yeelan doono kal-fadhi gaar ah oo ay ku go’aaminayaan mustaqbalka hoggaamineed ee barasaabka ismaamulka Meru ,Kawira Mwangaza oo xil ka qaadis lagu sameeyay.
Waxaa fadhigan gaarka ah isugu yeeray guddoomiyaha senate-ka Amason Kingi.
Sidoo kale waxaa berri la dhaarin doonaa senatarka cusub ee ismaamulka Bungoma David Wakoli Wafula oo ku soo baxay doorashadii ku celiska ahayd.
Kulanka senatarrada ayaa furmi doono abaare 2.30 galabnimo ee berri.
Guddi gaar ah oo uu hoggaaminayo senatarka dowlad deegaanka Kakamega ,Bonny Khalwale ayaa maalmihii la soo dhaafay yeelanayay fadhiyo ay ku wareysanayeen wakiillada barasaabka iyo golaha hoose ee ismaamulka Meru.
Warbixinta guddigan oo uu ka doodi doono aqalka sare ayaa horseedi doonto in meesha laga saaro xil ka qaadistii of Mwangaza ama in la ayido.
Kawira Mwangaza oo lagu eedeyay maamul xumo ayaa waxaa 14-kii bishan Diseembar qaab codeyn ah xilka uga xayuubiyay 68 ka mid ah wakiillada golaha hoose ee Meru.
Waxaa mooshinka golaha hor geeyay siyaasiga laga soo doortay deegaanka hoose ee Abogeta West Denis Kiogora.
Waxay guddoomiyaha iska fogeysay dhammaan eedeymihii loo soo jeediyay iyadoo tallaabadii xilka looga qaaday ku tilmaantay mid siyaasadeysan.