Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Kenya oo 7 cisho looga baroor diiqaya geerida madaxweynihii Tanzania

DHAGEYSO:Kenya oo 7 cisho looga baroor diiqaya geerida madaxweynihii Tanzania

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ahna guddoomiyaha jaaliyadda bariga Afrika ee EAC oo dhawaan shacabka la hadlay isaga oo ku sugan madaxtooyada State House ee magaalada Nairobi ayaa ka tacsiyeeyay geeridii xalay ku timid dhigiisi Tanzania John Magufuli.
Waxaa uu sheegay in shacabka iyo dowladda Kenya ay murugada la qaybsanayaan qoyska, ehellada, asxaabta , dadweynaha iyo dowladda Tanzania.
Mr. Kenyatta ayaa intaa ku daray in uu saaka dhambaal tacsi ah khadka taleefoonka kula wadaagay madaxweyne ku xigeenka wadankaas Samiya Suluhu Xasan.
Hoggaamiyaha dalka ayaa xusay in Tanzania , bariga Afrika , qaaradda Afrika iyo guud ahaan caalamka uu ka baxay mas’uul lahaa hiigsi fog oo dhanka horumarka ah sidoo kalena waxqabadkiisu muuqday.
Mr. Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in isaga iyo John Magufuli ay saaxiibbo dhow ahayeen si weyna uga wada shaqeyn jireen mashaariicda horumarineed iyo mideynta dadweynaha labada dal ee dariska ah.

Xilli uu ka hadlay wakhtiyadii ugu muhiimsanaa ee ay soo wada qaateen isaga iyo Magufuli iyo iskaashigii ka dhexeyay ayuu Mr.Kenyatta yiri

Mr. Kenyatta ayaa si loo xusuusto madaxweynihii geeriyooday ee dalka Tanzania , shaaciyay in Kenya uu maanta ka billaabanaya baroordiiq qaran oo toddobo cisho ah sidoo kalena hoos loo dhigaya calanka dowladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments