DHAGEYSO:Madaxweynihii Tansaaniya John Pombe Magufuli oo geeriyooday

0
472

Madaxweynihii dalka Tansaaniya John Pombe Magufuli ayaa dhintay isagoo 61 sano jir ah.
Waxaa geeridiisa caawa ku dhawaaqday madaxweyne ku xigeenka dalkaasi Samiya Xasan Suluhu.
Waxaa ay sheegtay in uu u dhintay xanuun dhanka wadnaha ah xilli lagu daaweynayay isbitaalka Mzena ee ku yaalla caasimadda ganacsiga ee Darusalaam.
Madaxweyne ku xigeenka oo tabin toos ah ka jeedineysay telefishanka qaranka ee dalkaasi ayaa sheegtay in Mr. Magufuli la dhigay isbitaalka 6-dii bishaan.
Waxaa ay shaacisay in Tansaaniya ay geli doonto muddo 14 cisho oo baroor diiq ah ka hor inta aan la aasin.
Waxaana muddadaasi inta lagu guda jiro hoos loo dhigi doono calanka iyo dhamaan astaamaha dalkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here