Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo xabsiga laga siidaayay

0
426

Saxafi Cabdimaalik Muuse Coldoon, ayaa laga siidaayay Xabsiga weyn ee Hargeysa ka dib markii uu dhameystay muddadii laba sanadood ee maxkamadda Rafcaanka Hargeysa ku xukuntay.
Bilowgii bishii Labaad ee sanadkan sii dhammaanaya ayaa Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ee magaalada Hargeysa ku dhawaaqday in wax dambi ah lagu waayay Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon.
Hasa ahaate xeer Ilaalinta ayaa racfaan ka qaadatay Go’aanka maxkamadda gaartay.
Waxayna taasi horseeday in CabdiMaalik uu xabsiga ku sii jiri tan iyo wixii ka horreeyay maanta oo uu xurriyaddiisa dib u helay.
Booliiska Somaliland ayaa xiray bishii Siddeedaad ee sanadkii hore xabsiga u taxaabay CabdiMaalik.