Waa kee xulka maanta ku guuleysan doona Final-ka koobka adduunka? Hordhac: Argentina Vs France

0
352

Caawa xulalka Argentina iyo France ayaa fooda isku daraya gegida Lusail Stadium ee dalka Qatar, kulanka Finalka koobka adduunka ka dib wareegii afar dhammaadka markii ay kaga soo takhaluseen Croatia iyo Morocco.
Argentina oo uu Lionel Messi hormuud u yahay ayaa doonaysa koob adduunkeedii saddexaad iyo midkeedii ugu horreeyay tan iyo sanadkii 1986-kii, halka Les Bleus ay doonayaan isla Koob adduunkoodii saddexaad iyo midkoodii labaad oo xiriir ah.
Messi oo dunida dad badani u aqoonsan yihiin midka ugu fiican taariikhda kubadda cagta ayaa darajadaasi sii xoojisan kara haddii uu liiska koobabkiisa ku darsado maanta koobka adduunka uusan wali asaga ku guuleysan.
Wararka Labada Xul Ee Kulanka Ka hor
Angel Di Maria oo la iska nasiyay kulankii afar dhammaadka ayaa lagu wadaa inuu caawa ku soo billowdo halka daafaca garab ee Marcos Acuna uu ganaax ka soo laabtay.
Tababare Lionel Scaloni ayaa la filayaa inuu shaxda 4-3-3 kusoo galo isagoo Paredes khadka dhexe ka saaraya isla markaana weerarka ku daraya Di Maria.
Di Maria ayaa saddexleyda weerar kula midoobi kara Lionel Messi iyo da’yarka sida lama filaanka ah wacdaraha u dhigaya ee Julian Alvarez.
Haddiiba Scaloni shax shan difaac uu doorto ayuu Lisandro Martinez daafaca dhexe kula soo bilaaban doonaa Otamendi iyo Romero.
Dhinaca France ugu horreynba waxa u soo wada laabtay xiddigaha uu ka saameeyay caabuqa Geela sida Adrien Rabiot oo gabi ahaanba seegay kulankii hore.
Tababare Didier Deschamps ayaa ka werwersan xaaladda weeraryahan Olivier Giroud kaas oo xanuun ka dareemaya jilibka ka hor kulankan.
Konate oo wacdarro dhigay kulankii afar dhammaadka ee Morocco ayaa markale ku soo billaaban kara daafaca dhexe beddelka Upamecano.
Shaxaha macquulka ah ee labada xul
Argentina (4-3-3): Emiliano Martinez; Molina, Romero, Otamendi, Acuna; De Paul, Enzo Fernandez, Mac Allister; Di Maria, Messi, Alvarez
France (4-2-3-1): Lloris; Kounde, Varane, Konate, Theo Hernandez; Tchouameni, Rabiot; Dembele, Griezmann, Mbappe; Giroud
Xogta Kulanka
Tartanka: Finalka Koobka Aduunka
Wakhtiga: 6:00 Maqribnimo xilliga geeska Africa
Garoonka: Lusail Stadium
Garsoore: Syzmon Marciniak (Poland)
MA OGTAHAY?
Argentina waxay ciyaaraysaa Finalkii lixaad, kaliya Germany oo siddeed jeer ciyaaray ayaa ka badan taariikhda Finalada Koobka Aduunka, 1978 iyo 1986 ayay kusoo guuleysteen
France Afar Koob aduun ayuu gaaray Finalkiisa taariikhda oo kala ah 1998, 2006, 2018 iyo 2022-ka
Argentina iyo France ayaa markoodii afaraad Koob adduun ku kulmaya, La Albiceleste ayaa soo badiyay laba kulan oo hore halka Les Bleus hal kulan soo adkaadeen.
France ayaa doonaysa koob aduunkoodii labaad oo xiriir ah, sidaas waxa hore u sameeyay Talyaaniga (1934 iyo 1938) iyo Brazil (1958 iyo 1962).
Argentina oo kulankeedii koowaad Saudi Arabia guuldarro kala kulantay ayaa noqon kara dalkii labaad ee guuldarro ku furta tartanka haddana koobka hanta ka dib Spain 2010-kii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here