Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Soomaaliya iyo Qatar oo sii xoojinaya xiriirkooda

Soomaaliya iyo Qatar oo sii xoojinaya xiriirkooda

Wasiirka wasaaradda amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale oo ku sugan Magaalada Dooha ee Caasimadda dalka Qatar ayaa kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka arrimaha dibadda dowladda Qatar Sheekh khaalid Bin Khaliifa bin C/Casiis Al Thaani.
Kulanka dhexmaray labadaan mas’uul ayaa intii uu socday waxaa looga hadlay xoojinta xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Qatar ee ku saleysan dhinacyada kala duwan iyo sidii loo sii Xoojin lahaa.
Qoraal uu soo saaray Wasiirka wasaaradda amniga dowlada Federaalak Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale ayaa waxaa uu ku sheegay in kulan gaar ah uu la qaatay Sheekh khaalid Bin Khaliifa Al Thaani ay uga wada hadleen arrimo Muhiim u ah danaha labada dal isagoo sidoo kalena uga Mahadceliyay Dowladda Qatar tageerada ay la garab taagan tahay Dowladda iyo Shacabka Soomaaliya.
Wasiirka amniga Soomaaliya ayaa sheegay in Qoddobada ay sida agarka ah diiradda wada hadalkooda ugu saareen ay ka mid ahaayeen is kaashiga amniga ee labada dal ee Soomaalia iyo Qatar iyo sidii loo hormarin lahaa wada shaqaynta dhanka amniga ah.
Wasiirka iyo wafdi kale oo ka socday dowladda Federaalka ayaa safar shaqo maalmo kahor ku tegay Magaalada Dooha ee Caasimadda dalka Qatar waxayna wali halkaas ka wadaan kulamo ay la qaadanayaan Mas’uuliyiinta dalkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments