DHAGEYSO:Dowladda Soomaaliya oo mar kale war ka soo saartay dacwadda badda

0
443

Sulaymaan Maxamad Maxamuud, xeer Ilaaliyaha guud qaranka ee Soomaaliya oo faahfaahin ka bixinayay marxaladda ay marayso dacwadda badda u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya ee ka socota Maxkamada ICJ ayaa sheegay inuu si rasmi ah u soo xirmay wareega kowaad ee dhageysiga dacwadda badda islamarkaana Wareega labaad Xilliga la guda galayo ay Maxkamadu muddeyn doonta.
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Soomaaliya ayaa bogaadiyey sidii habsamida lahayd ee qareennada u doodayay Soomaaliya ay u soo bandhigeen xujooyin cad-cad oo muujinaya xaq ahaanshaha gal dacwadeedka Soomaaliya iyo mabad’iida caalamiga ah ee la xiriirta xeerka badaha adduunka.
Isagaa Hoosta ka Xariiqay inay markasta u taagan yihiin difaaca iyo jiritaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed ,wuxuuna tilmaamay in wakhtiga uu bilaaban doono wareegga labaad ee dhageysiga dacwadda ku saabsan kiiskaan ay go’aan ka gaari doonto Maxkamadda ICJ ka dibna ku wargelin doonto Wafdiga dowladda Soomaaliya ka socda eek u sugan Maxkamadda.