DHAGEYSO:Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inaysan ka hor dhacayn go’aanka maxkamadda ICJ

0
534

Waxaa Malinkii labaaad Maxkamada Cadaaladda adduunka ee ICJ ka sii socon doona dhagaysiga Dacwadda Badda ee u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya iyadoo fadhiga ay labada dhinac midkood ka maqan yahay.
Tani ayaa ku soo aadeyso ka dib markii dowladda Kenya ay sheegtay inaysan dacwada ka qayb galaynin.
Soomaaliya ayaa shalay jeedisay qaybtii koobaad ee doodeeda Maantana halkeedii ayay ka sii wadaysaa waxayna Qareenadu mar kale maxkamadda ka hor jeedin doonaan doodooda ku aadan difaaca biyaha Soomaaliya.
Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamad gulled oo shalay Maxkamadda Khudbad ka jeediyaya ayaa sheegay inay ku kalsoon yihiin go’aanka Maxkamadda.
Dhanka kale Wasiirka wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe oo Maanta Warbaahinta kula hadlay magaalada Garbahaareey ee Xarunta gobolka Gedo ayaa sheegay inaysan dowladad Soomaaliya ka hor dhici doonin inta ay socoto maxkamadda doodeeda.
Wasiir Dubbe ayaa shacabka Soomaaliyeed guud ahaan ugu baaqay inaan laga leexin wadada ay ku taagan yihiin ayna u midoobaan difaaca dalkooda hooyo.