KUPPET oo taageertay in meesha laga saaro dugsiyada leh qaybta jiifka

0
301

Ururka macallimiinta dugsiyada sare ee dalka ee (KUPPET) laantiisa ismaamulka Bungoma ayaa soo dhaweeyay arrin uu dhawaan shaaciyay xoghayaha joogtada ah ee tacliinta aasaasiga ,Belio Kipsang.
Mas’uulkan ayaa sheegay inuu jiro qorsho dowladeed oo meesha looga saaraya dugsiyada hoose dhexe ee leh qaybta ay ardayda seexdan.
Kipsang ayaa xusay in qorshahan uu meel sare maraya oo la dhaqan gelin doono horraanta sanadka 2023-ka.
Waxaa uu xoghayaha intaasi ku daray in ujeeddada laga leeyahay arrintan ay tahay in carruurta ay barbaaraan iyagoo daryeel toos ah ka helaya waalidiintooda.
Guddoomiyaha ururka macallimiinta KUPPET ee ismaamulka Bungoma ,David Barasa ayaa sheegay in dugsiyada hooyga leh uu qarashaad badan uga baxo dowladda sidaas awgeedna loo baahan yahay in meesha laga saaro.
Waxaa uu waalidiinta ka codsaday inay arrintan soo dhaweeyaan oo ay carruurtooda geeyaan dugsiyada ugu dhow.