Dacwad ka dhan ah sanduuqa Hustler Fund oo maxkamadda la geeyay

0
319

Mid ka mid ah ururrada bulshada ee dalka ayaa maxkamadda geeyay dacwad looga soo horjeedo sanduuqa dhaqaale ee ay dowladda dhexe ku caawinaysa ganacsatada yaryar ee Hustler Fund.
Ururka ‘Linda Ugatuzi’ oo ay micnaheedu tahay badbaadinta dowlad wadaajinta ayaa su’aal geliyay sharcinnimada barnaamijkan.
Waxaa uu soo bandhigay in ka badan 15 tabashooyin ah oo uu doonaya in maxkamadda ay go’aamo ka soo saarto.
Tabashooyinka waxaa ka mid ah qaabka loo maamulo sanduuqan maadaama uunan jirin xafiis ama waax gaar ah oo gacanta ku haysa.
Ururkan oo uu matalaya qareen lagu magacaabo Prof. Fred Ogolla ayaa su’aal geliyay sababta kenyaanka lacagaha amaahda ah ka qaadanaya barnaamijkan loo waydiiyo nambar sireedkooda.
Qareenka ayaa maxkamadda sare u sheegay in loo baahan yahay in dadweynaha loo cadeeyo halka laga keenay lacagaha ay daynsanayaan.
Waxaa uu garyaqaanka doonaya in maxkamadda ay amarto in la faahfaahiyo xafiiska maamulo sanduuqa Hustler Fund iyo liiska agaasimayaasha.
Sidoo kale waxaa uu xusay inuunan jirin nidaam sharciyeed oo faahfaahinaya qaabka dib loogu bixin karo lacagahan tani oo sida uu hadalka u dhigay ay micnaheedu tahay inuunan cadaadis dareemeyn qofka dowladda ka qaadanaya lacagaha amaahda ah.