Wakiil ka mid ahaa siyaasiyiinta Kiambu oo geeriyooday

0
534

Waxaa lagu soo warramayaa in uu geeriyooday wakiilkii deegaanka hoose ee Muguga ee ismaamulka Kiambu sida ay xaqijiyeen saraakiil sare oo ka tirsan xisbiga jubilee.
Eliud Ngige ayaa ku geeriyooday isbitaalka Kenyatta University hospital ee ismaamulka Kiambu halkaas oo xaaladiisa caafimaad ay dhakhatiirtu kula tacalayeen
Mr. Ngige ayaa la sheegay in uu haleelay cabuqa covid 19 taas oo maanta dhalisay geridiisa .