Dibadbaxyo ka dhacay Giriigga

0
315

Waxaa lagu soo warramayaa in dibadbaxyo rabshadeysan ay ka dhaceen magaalada labaad ee ugu wayn dalka Giriigga ee Thessaloniki.
Tani ayaa timid ka dib markii ciidamada booliiska lagu eedeyay inay wiil toogteen.
Wiilka oo ay da’diisu tahay 16 sano ayay xaaladiisa caafimaad liidataa waxaana hadda lagu daaweynaya isbitaalka magaalada Thessaloniki .
Wararka ayaa intaasi ku daraya in gacanta lagu dhigay askarigii booliiska ee inanka ka toogtay madaxa .
Taliska booliiska ee magaladaasi ayaa sheegay in sarkaalka si ku meel gaar ah shaqada looga joojiyay.
Dibadbaxyada ayaa waxaa ka qayb qaatay ilaa 1,500 oo qof.