Kulan ay soo qaban qaabiyeen ururka saxafiyiinta Somali Journalists Syndicate (SJS) iyo Somali Media Association (SOMA) oo ay ka qayb galeen saxafiyiinta iyo Madaxda warbaahinta madaxa bannaan ayaa lagu cambaareeyay xarigga weli sii socda ee lagu hayo xoghayaha Guud SJS Cabdalle Axmad Muumin.
Waxaa si kulul loo cambaareeyay mas’uuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, si gaar ah Wasiir ku Xigeenka Wasaaraddaasi oo ku xadgudbay nidaamka dowladda isagoo oo qaab qabiileysan u weerarray Cabdalle Muumin.
Afhayeenka Warfaafinta Ururka saxafiyiinta SJS Maxamad Ibraahim (Bulbul) ayaa kulanka ka sheegay in Xoghaye Cabdalle Muumin uu dhibbane u yahay Saddex Mas’uul oo ilmo adeer ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin Cabdiraxmaan Al-Cadaalla iyo Mahad Salaad oo ah Agaasimaha NISA.




