Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya DHAGEYSO:Booliiska Soomaaliya oo qabtay shakhsi dil qorsheynayay

DHAGEYSO:Booliiska Soomaaliya oo qabtay shakhsi dil qorsheynayay

Ciidamada booliiska Soomaaliyeed ayaa gacanta ku soo dhigay Nin hubeysan oo la sheegay inuu dil u gaysan rabay Askari ka tirsan Ciidanka dowladda, gaar ahaan kuwa Ilaalada ka ah deegaanka Xamar.
Afhayeenka Ciidanka booliiska Soomaaliyeed Sadiiq Aadan Cali ayaa sheegay in degmada Wadajir ay laamaha amniga ka soo qabteen ninkan hubeysan oo watay bastoolad.
Waxaa uu xusay in ninkan xilligii la qabanayay uu doonayay inuu degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ku dilo Askari ka tirsan Ciidanka Ilaalada deegaanka Xamar.
Ninka eedeysanaha ayaa magaciisa lagu sheegay Muxsin Cali Mustaf.
Ciidanka Booliiska dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan sidoo kale gacanta ku soo dhigay rag hubeysan oo weerar ka fulin rabay gudaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Afhayeenka ciidanka Soomaaliyeed oo ku sugnaa saldhigga booliiska ee degmada wadajir ayaa warbaahinta faahfaahin ka siiyay howlgalkaasi lagu soo qabtay ninka eedeysanaha ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments