Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Madaxweynaha Galmudug oo Muqdisho ku wajahan

Madaxweynaha Galmudug oo Muqdisho ku wajahan

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa dalka Turkiga ayaa Maanta oo talaado ah la filayaa inuu soo gaaro Magaalada Muqdisho.
Ilo-wareedyo ku sugan dalka ayaa sheegay in Madaxweyne Qoorqoor iyo xubno la socday ay xalay kasoo ambabaxeen Magaalada Istanbul ee Turkiga, iyagoona kusoo wajahan Maanta Caasimadda dalka.
Axmed Qoorqoor ayaa markii uu soo gaaro Muqdisho kulan looga hadlayo xaaladda siyaasadeed iyo doorashada sigaar ah ula yeelan doona Madaxda dowladda Federaalka, iyagoona sidoo kalena ka arrinsan doona arrimo gaar ah.
Magaalada Muqdisho ayaa haatan waxaa ku sugan Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada Jubbaland iyo Puntland Axmed Madoobe iyo Saciid Deni, iyagoona ka qeyb galaya shirka la filayo inuu dhexmarao Madaxda dowladda iyo kuwa maamulada.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa isna weli safar shaqo ugu maqan Turkiga, waxaana maqnaanshaha Qoorqoor iyo Lafta-gareen uu sabab u ahaa inuu dib dhac ku yimid shirka loo balansanaa inuu ka dhaco Muqdisho.
Warar soo baxayay ayaa sheegaya in labada Madaxweyne ee Qooqroor iyo Lafta-gareen ay shuruudo ku xireen ka qeyb galka shirka Madaxda dowladda iyo kuwa maamul Goboleedyada, in kastoo uusan jirin war rasmi ah oo kasoo baxay maamulada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments