Ciidamada ammaanka ee dalka Iiraan ayaa dilay ugu yaraan 448 qof oo ka qayb qaatay dibadbaxyada wadankaasi ka socdo.
Waxaa sidatan sheegtay kooxda xuquuqul insaanka Iiraan ee fadhigeedu yahay wadanka Norway.
Kooxdan ayaa intaasi ku dartay in 60 ka mid ah dadka ciidamada ammaanka ay dileen ay ahaayeen carruur da’doodu ka yar tahay 18 sano jir.
Waxaa ay sheegtay in 16 qof ay dileen ciidamada booliiska Iiraan toddobaadkii la soo dhaafay oo keliya, kuwaas oo 12 ka mid ah lagu dilay deegaannada ay ku nool yihiin Kurdiyiinta oo mudaaharaadyada sida gaarka ah uga dhaceen.
Janeraal Amirali Hajjizadeh oo ka tirsan ciidamada ilaalada kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan ayaa shalay sheegay in in ka badan 300 oo qof oo mudaaharadayaal la dilay.
Waana markii ugu horreysay oo mas’uuliyiinta amniga ee Iiraan ay qirtaan.
Tani ayaa ku soo aadeyso iyadoo golaha xuquuqul aadanaha ee qaramada midoobay uu u codeeyay in la soo dhiso guddi xaqiiqo raadis ah oo baaritaanno madax bannaan ku sameeyo qaabka ciidamada dowladda Iiraan ay uga falceliyeen dibadbaxyo wadankaasi ka dhacay.
Baaritaannada ayaa lagu eegi doonaa baaxadda xadgudubka lagu eedeyay saraakiisha ammaanka.
Guddiga ayaa diiradda saari doono dhibaatooyinka loo gaystay haweenka iyo carruurta Iiraan.
Mudaaharaadyada Iiraan ayaa ka dhashay in 16-kii bishii Sagalaad ee sanadkan ay xabsi ku dhex geeriyootay Mahsa Amini oo 22 sano jir ahayd.