Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Maxkamadda oo hakisay xil ka qaadista barasaabka Meru

Maxkamadda oo hakisay xil ka qaadista barasaabka Meru

Maxkamadda sare ee dalka laanteeda ismaamulka Meru ayaa soo saartay amar ka dhan ah in xil ka qaadis lagu sameeyo barasaabka dowlad deegaankaasi Kawira Mwangaza .
Garsoore Wamae Cherere ayaa sheegtay in wakiillada golaha hoose ee Meru oo arrintan ku howlan aynan adeegsan hab-raaca habboon ee mooshinka.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii Kawira Mwangaza ay maxkamadda dacwad u gudbisay iyadoo doonaysa in wakiillada laga hor istaago inay ka doodaan mooshinka xafiiska looga saaraya.
Qareenka u doodaya , Elias Mutuma ayaa maxkamadda u sheegay in dokumeentiga mooshinka uu saxiixay qof iska dhigaya karraaniga golaha.
Sidoo kale waxay sheegtay in wakiillada ay u muuqdaan kuwo doodda ka hor go’aan qaatay maadaama mooshinka ay taageereen 68 ka mid ah 69-ka xubnood ee golaha hoose ee Meru.
Mooshinka xika looga xayuubinaya Kawira Mwangaza ayaa waxaa 21-kii bishan golaha u gudbiyay wakiilka deegaanka hoose ee Abogeta West sidoo kalena ah mas’uulka siyaasiyiinta laga tirada badan yahay u qaabilsan dhanka kala dambeynta Dennis Kiogora.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments