Madaxweynaha dalka oo maanta daahfuri doono sanduuqa Hustler Fund

0
335

Waxaa uu qorshuhu yahay in madaxweynaha dalka William Ruto uu maanta si rasmi ah u daahfuro wajiga koowaad ee barnaamijka dowladda dhexe ay ganacsatada yaryar uga taageerayso dhanka dhaqaalaha.
Waxaa arrintan xaqiijiyay wasiirka horumarinta iskaashatada iyo ganacsiyada yaryar , Simon Chelugui.
Tani ayaa timid ka dib markii golaha wasiirrada ee dalka uu shalay ansixiyay hab-raaca sharciyeed ee lagu maareyn doono sanduuqa loogu magacdaray Hustlers Fund.
Waxaa la filayaa in iyadoo barnaamijkan loo maraya lacago amaah ah la siiyo kenyaanka ku howlan ganacsiyada kala duwan.
Xilligii ololaha doorasho ayay ahayd markii William Ruto uu kenyaanka u ballanqaaday in haddii uu hoggaanka wadanka qabto uu lacag dhan 50 bilyan oo shilin ku taageeri doono ganacsatada muruqmaalka ah.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here