Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Abwaan geesi oo magaalada Nairobi ku geeriyooday

Abwaan geesi oo magaalada Nairobi ku geeriyooday

Alle ha u naxariistee waxaa goor dhow magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ku geeriyooday abwaan Cumar Cabdiwaaxid Aadan oo loo yaqaano Abwaan Geesi.
Abwaan Geesi ayaa muddo toddobaad ah ku jiray isbitaal, isagoo u geeriyooday xanuun dhanka caloosha ah oo uu in muddo ah la xanuunsanaa, sida uu Star Fm u xaqiijiyay abwaan Cabdishukri Maxamad oo ay marxuumka qaraabo ahaayeen isla markaana ay isla shaqeyn jireen.
Waxaa uu abwaan Geesi ahaa abwaan iyo jilaa aad loogu yaqaanno ruwaayadaha.
Muddooyinkii ugu dambeeyay wuxuu ku noolaa qaybo ka mid ah wadanka Soomaaliya, labadii bilood ee ugu dambeysay ayuuna ku soo laabtay Nairobi oo hore uu ugu noolaa.
Marxuumka ayaa dunida uga tegay afar carruur ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments